Dab ka kacay Cisbitaal ku yaalla Hargeysa

Ciidanka Dabdamiska ee magaalada Hargeysa ayaa ku guulaystay daminta dab ka kacay mid ka mid cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Hargeysa.

Cisbitaalka Asnaan Denta Care oo ku yaala magaalada Hargeysa ayay ciidanka dabdamisku gurmad u fidiyeen kadib markii dab qabsaday.

Cisbitaalkan oo sigaar ah ugu shaqeeya ilkaha ayaa ku yaala agaagarka dhismaha Seeraar oo ku dhagan guryaha shaqaalaha Baanka.

Ilaa hadda majiro wax khasaare ah oo soo gaadhay cisbitaalkan ka shaqeeya daryeelka Ilkaha, waxaanay ciidanku ku guulaysteen in aan dabkani ugudbin qaybaha kale ee dhismaha ka ag dhaw cisbitaalkan.

Gaba’gabadii waxa ciidanka dabdamiska sigaar ah fariin ugu direen ganacsatada, waxaanay ka codsadeen in Habeenkii meheradaha lagaga tago qof waardiye ah, isla markaana ku tababaran daminta dabka.

Waxaaney ka codsadeen cidkasta oo la kulanta dab meel ka kacay in ay sitoosa ula soo xidhiidhaan telefoonka gaaban ee lacag la’aanta ah ee ciidanka dabdamiska ee 990 kaas oo ay sheegeen in markasta heegan loogu yahay kajawaabistiisa.