Golaha Wakiillada Somaliland oo go’aamo ka soo saaray xaalada Laascaanood

Kaddib fadhi deg deg ah oo ay yeesheen maanta Golaha wakiilada Somaliland waxay ka soo saareen qodobo ku saabsan xaalada Laascaanood.

Kulanka oo albaabadu u xidhnaayeen, warbaahintuna dibada ka joogtay ayaa laga soo saaray qodobadan:

1. Golaha wakiladu waxaa ay xildhibaano guddi ah u saareen xaalada Laascaanood

2. Golaha wakiiladu waxuu ku baaqey in labada ciidan la kala qaado.

3. Golaha wakiiladu wuxuu taageeray wada hadalka saladiinta iyo Garaadada gobalka Sool.

Go’aamada golaha Wakiilladu soo saareen, ayaa yimi xilli uu guddoomiyahoodu shir jaraa’id oo uu qabtay madaxweynaha ugu soo jeediyey in fursada u dambeysa ee xaalada Laascaanood ku soo af go’ayso uu u arko in Ciidanka Qaranku ka baxaan Magaalada Laascaanood gudaheeda, dibna looga saaro meel kasta oo ay iska soo gaadhi karaan maleeshiyaadka hubaysan.