Dad uu ku jiro wasiir oo ku dhintay Shil Diyaaradeed

Diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ee Helicopter ayaa ku burburtay magaaladda Baft ee dalka Iiraan.

Illo-dhanka caafimaadka oo ay Wakaallada Wararka Iran ee IRNA soo xigatay ayaa sheegay in la-taliyaha wasiirka Ciyaaraha ee dalkaasi, Ismail Ahmadi iyo qof kale ay ku geeriyoodeen shilkaasi, halka ay 16 qof oo ay ku jireen 4 Shaqaale dowladeed ku dhaawacmeen.

Mar sii horeysay, Wakaallada Wararka ayaa waxaa ay soo tebisay in Diyaaradda Helikobtarka ee shilka gashay uu la socday wasiirka Ciyaaraha dalkaasi, Sayid Hamid Sajadi Hazaveh.

Diyaaradda ayaa shilka gashay, xilli ay ku degi lahayd Garoon ciyaareed oo ku yaalla magaalladda Baft ee Badhtamaha dalkaasi.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxaa ay sheegeen inuu wasiirka ka dhaawacmay Madaxa, lana xanuunsan yahay dhiig maskaxda kaga furmay.

Wasiirka waxaa loo qaaday cisbitaal ku yaalla magaalladda Sirjan ee Gobolka Kerman ee Koonfurta dalkaasi.