Kulanka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo Daneeyayaasha Maalgashiga

Xarunta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha waxa ka qabsoomay Shir u dhaxeeyaay Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Maalgashatada dalka qaybaheeda kala duwan.
Kulankan Waxa Hoggaaminayay Agaasime Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid iyo Agaasimaha Waaxda Maalgashiga Cabdale Maxamuud Sheekh Cabdilaahi, iyo Madaxa Diwaangelinta Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Ciise Cismaan Cilmi.
Ujeedada ayaa daaranayd;
1. Sidii ay isku baran lahaayeen Wadaagayaasha kala duwan ee Maalgashada.
2. Sidii loo xoojin lahaa isku xidhka Wasaarada iyo Maalgshatada qaybaheeda kala duwan.
3. Sidii loogu diyaar garoowi lahaa ka qayb qadashada National Investment baseline Survey ay dhawaan Wasaaradu bilaabi doonto.
Kulankan oo ka qabsoomay Hall-ka Shirarka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa qayb ka noqonaya Kulamo isdaba jooga oo Masuuliyuinta wasaaradu ay la yeelanayeen Maalgashatada Noocyadooda kala duwan.