Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay Dagaalka Laascaanood

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in saaka weerar lagu soo qaaday Saldhigyada Ciidanka Qaranka ee duleedka Magaalada Laascaanood, waxaanay weerrarkaasi ku tilmaantay talaabo lagu wiiqayo deddaallada nabaddeed ee socda.

Warsaxaafaddeed ka soo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay sidan: “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ka duulaysa xabad joojintii ay ku dhawaaqday, taageeraysana Ergada Nabada ee sugan Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka Somaliland, ayna muuqato rajo fiican oo laga qabo in guul laga gaadho colaada Magaalada Laascaanood.

Hadaba si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo fulinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed waxay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka Qaranku weerar maaha.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celinaysaa in loo hogaasamo xabad joojinta, lana aqbalo Ergada Nabada ee ku Sugan Gobolka Sool.

Afhayeenka guddida Bulshada Laascaanood, ayaa dhinacooda beeniyey inay weerar qaadeen iyagu.