Dhimashada dhul-gariirkii Turkiga iyo Suuriya oo dhaaftay 46,000

In ka badan 46,000 oo qof ayaa ku dhintay dhul-gariir kii dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya, waxaana la filayaa in khasaaruhu uu sii kordho, iyadoo la og yahay in ilaa 345,000 oo guri oo ku yaalla Turkiga ay ku burbureen, dad badanna weli lagu la’yahay.

Iyadoo Turkiga uu isku dayayo inuu maareeyo musiibadii ugu xumayd ee dhawaanahan ku dhacda, ayaa waxaa sii kordhaya walaaca musiibadii iyadana ka dhacday Suuriya, iyadoo hay’adda cunnada adduunka ee WFP ay cadaadis ku saartay maamulka waqooyi-galbeed inay joojiyaan xannibaadda gelitaanka aaggaas iyagoo doonaya inay caawiyaan boqollaal kun oo qof oo ay waxyeello weyb kasoo gaartay dhul-gariirkan.

12 maalmood kadib markii uu dhul-gariirku dhacay, ayaa shaqaale u dhashay dalka Kyrgyzstan weli isku dayayaan inay qoys Suuriyaan ah oo shan ka kooban ka badbaadiyaan burburka dhisme ku yaalla magaalada Antakya ee koonfurta Turkiga.

“Waxaan maqalnay qaylo markii aan maanta qodeynay burburka dhismeyaasha. Markii aan helno dad nool, mar walba waanu ku faraxnaa,” ayuu Atay Osmanov, oo ah xubin ka ah kooxda badbaadada u sheegay Reuters.

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Turkiga, Yunus Sezer, ayaa sheegay in dadaallada goobidda iyo samatabixinta inta badan la joojin doono habeenka Axadda.

Dhimashada Turkiga ayaa mareysa 40,642 kadib dhul-gariirka, halka dalka ay deriska yihiin ee Syria laga soo sheegay in ka badan 5,800 oo dhimasho ah, tiradaas oo aan is bedelin maalmo.

Agaasimaha Hay’adda Cunnada Adduunka David Beasley oo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters oo ka qayb galayay shirka amniga ee Munich ayaa sheegay in dawladdaha Suuriya iyo Turkiga ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan, balse hawl-galladooda ay caqabad ku yihiin waqooyiga-galbeed ee Suuriya.