Guurtida Somaliland oo bayaan ka soo saaray Dagaalka Laascaanood

Golaha guurtida Somaliland ayaa baaq taageero ah ka soo saaray xaaladdaXabad joojinta gobolka Sool

Golaha guurtida ayaa soo jeediyay in gar-gaar deg deg ah loo fidiyo dadka ku barakacay xaaladda gobolka Sool.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin go’aankii xukuumadda ee Xabad-joojinta bila shuruuda.

Geesta kale waxa uu Garaadada gobolka Sool ugu baaqay in ay qaataan xabad-joojin bila shuruuda.

Ugu danbayn waxa uu fariin u diray Warbaahinta dalka oo uu ugu baaqay inay dalka iyo dadka u tudhaan kana dhawrsadaan wararka xaqiiqada ka fog ee hurinaya colaadaha.

HALKAN KA AKHRI BAAQA