Madaxweynaha Somaliland Oo Galabta Kormeeray Laba Cusbitaal oo Kala Duwan

Hargeysa-10-02-2023-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaraanka ee Birjeex.waxaanu inta badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Isla markaarna waxa u Madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladu waxwalba u hurayso daryeelkooda caafimaad. waxaana uu ugu duceeyay in illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle ka waraabiiyo.

Sidoo kale Madaxwaynhu waxa u cadeeyaay in geesiyaasha Qaranaka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda caafimaadkooda ismalarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba.