Arday reer Jabuuti ah oo laga soo badbaadiyey dhulgariirkii Turkiga

64 ka mida ardaydii reer Djibouti ee wax ka baranaysay kahramanmaras iyo gaziantep ayaa la soo badbaadiyay shalay ilaa xalay ka dibna waxaa loo qaaday meelo kala duwan oo la seexiyay . Kuwii Dhaawac fudud ahaa isla markiiba wax loo qaaday isbitaalada, Sida u noo xaqiijiyay safiirka Dawladda Djibouti u fadhiya Turkiga Amb Aden Hassan Abdilahi.

Tiro Soomaali ah ayaa kamid ah ilaa iyo hadda lagu la’yahay dhulgariirka ba’an ee ku dhuftay dalka Turkiga qaarkoodna xaqiijiyay la inay ku dhinteen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto in kumannaan carruur ah ay ku dhinteen dhulgariirka ka dhacay Turkiga iyo Waqooyiga Suuriya. Tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay 6 kun oo ruux, halka dhaawacana uu gaarayo 30 kun, Safaaradaha caalamka ee ku yaalla Turkiga ayaa wado dedaallo lagu caawinayo dadka ku waxyeelloobay dhibaatada.

Baraha bulshada waxaa lagu baafinayay dad sheegay in qaar kamid ah eheladooda lagu la’yahay dhulgariirka ka dhacay dalka Turkiga.

 

Shiine Elmi Kaahin- istanbul