Kumanaan Qof oo ku dhintay Dhul-gariir ka dhacay Turkey iyo Syria

Dhul-gariirkii labaad oo cabirkiisu yahay 7.6 ayaa maanta ku dhuftay gobolka Koonfurta Beri ee Kahramanmaras ee dalka Turkey, waaa sidaas sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas (AFAD).

In ka badan 1,300 oo qof ayaa ku dhintay, kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariirkii koowaad oo ku dhuftay bartamaha Turkey iyo waqooyiga galbeed ee Syria.

Dhul-gariirkaas oo cabirkiisu ahaa 7.8, oo dhacay xilli aroor hore ah, ayaa ahaa kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ku dhufta Turkey. Waxaa sidoo kale laga dareemay dalalka Cyprus iyo Lebanon.

Shaqaalaha gurmadka oo ku shaqeynaya xaalad aad u qabow ayaa dadka iyo meydadka kasoo saaraya burburka oo ku baahsan gobollo badan.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in 912 qof lagu dilay, 5,383 ay dhaawac yihiin, islamarkaana 2,818 dhisme ay ku burbureen dhul-gariirka.

Erdogan ayaa sheegay inuusan saadaalin karin heerka uu khasaaraha dhimasho gaari doono, ayada oo dadaallada gurmadka ay weli socdaan.

Dalka Syria, oo markii horeba uu burburiyey dagaalasokeeye oo socday 11 sano, wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in 326 qof ay ku dhinteen, islamarkaana 1042 ay dhaawac yihiin.

Waqooyi Galbeed Syria oo ay haystaan mucaaradka dowladda, shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in 147 qof ay dhinteen.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in 45 dal ay yabooheen inay gacan ka gaystaan dadaalalda gurmadka iyo raadinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha.

Dowladda Mareykanka “waxay si xooggan uga walaacsan tahay” dhul-gariirka, islamarkaana isha ku haysaa dhacdooyinkan, waxaa sidaas yiri la-taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan.