Maxay ka wada hadleen Maamulka gobolka Saraar iyo Hay’adda FAO

Guddoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta hay’adda FAO iyo iskaashatooyinka beeralayda gobolkaasi, oo muddooyinkii danbe ka faa’idaysanayay mashruuca calafka xoolaha kaas oo muddooyinkii danbe ka socday gobolka Saraar iyo degaanada hoos yimaada.

Kulankan ayaa intii uu socday lagu lafaguray waxyaabihii qabsoomay iyo in la qorsheeyo baahiyaha kala duwan ee u baahan fulinta wakhtiyada soo socda.

Jirbiil oo ka mida saraakiisha hay’adda FAO ayaa sheegay in kulankani salka ku hayay dardargelinta calafka xoolaha kaas oo uu tilmaamay in uu ka socdo gobolka Saraar afar goobood oo ka mid ah, waxaanu xusay in kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen dadkii ka faa’idaysanayay, isu’duwayaashii iyo guddoomiyihii gobolka, waxa uu intaas ku daray in mashruucani ku wajahan yahay xoojinta iyo horumarinta calafka xoolaha.

Maxamed Cismaan Xaaji Axmed guddoomiyaha gobolka Saraar ayaa sheegay in saddexdii sano ee u danbeeyay uu mashruucani socday, waxa uu xusay in waxyaabo badani ay hirgaleen, kuwaas oo ay ka mid yihiin in dhismayaashi la dhiso, in la keeno mishiinadii calafka lagu goynayay.

Gaba’gabadii waxa uu sheegay in kulankan diirada lagu saaray horumarinta wixii qabsoomay, xalinta wixii caqabado ah ee jira hoosna loo eego wixii la tabayo ee mashruucan kaabista u ah.