Afhayeenka Kulmiye oo ka hadlay arrimaha Doorashooyinka

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in aanay jirin cid gahar daamayn karta oo wax yeelan karta  dalka Somaliland.

Cabdinaasir Muxumed Xasan oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi masuul ka tahay dalka wadajirkiisa iyo Nabedgalyadiiisa,waxaana uu intaasi ku daray in doorashada Ururada Siyaasada  qabsoomayso .

Cabdinaasir Buuni oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi.”Dawlada Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yabay Muuse Biixi Cabdi ayaa  masuul ka ah dalka wadajirkiisa iyo qaranimadiisa Nabedgalyadiiisa, isla,markaana aanay jirin cid alaale cid  hagar daamayn karta oo wax yeelan karta,waxaana u abuuran hay,adaha dastuuriga   ee u xilsaaran.doorashada la galayaa waa Doorashadii ururada Siyaasada ku soo baxayeen Saddex Xisbi qaran ee soo baxa ayaa  u tartami doona doorashada Madaxtooyadda,”.

Sidoo kale Cabdinaasir Buuni ayaa waxa uu tilmaamay in  aan wadahadal laga galin Dastuurka dalka u yaala.Waxaana uu yidhi”Wax  laga wadahadlayaana aanay jirin shuruucda iyo Dastuurka  dalka u yaalana wadahadal lagama galo,doorashooyinka kuma dhacaan rabitaanka dad gaara waxa ay ku dhacaan sharciga. sida uu jidaynayo dad ayaa toban sanno sugayay Doorashada ururada  Doorashooyinka rabitaan xisbi kuma qabsoomaan,waxaana u xil saaran qabashada Doorashooyinka Xukuumadda hadba jirta”