Wasiir hore Cadami oo Geeriyooday

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Alle ha u naxariistee waxa geeriyooday siyaasigii weynaa ee Axmed Xaaji Cali Cadami oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladda Somaliland.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo Jimce ah.

Madaxda goleyaasha Qaranka ayaa geeridiisa ka tacsiyadeeyey shacbiga JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Cali Caddami oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 03/02/2023, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Oday siyaasi ah oo waayo arag ah oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee loo soo maray dalka, qaybna ka ahaa odayaashii ka qayb galay shirweynihii beelaha Somaliland ee dib u heshiisiinta iyo aayo ka tashiga ee magaalada Burco ee lagaga dhawaaqay gooni isu-taaga Somaliland 18-may 1991. wuxuu kaloo ka qaybgalay shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee magaalada Boorama 1993-kii ee madaxweynaha loogu soo doortay Madaxweynihii geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo uu isna ka noqday wasiirkii wasaaradda Caafimaadka Somaliland, halka mar kale madaxweynahaasi u magacaabay Komishankii Doorashooyinja 2001-kii oo uu ka noqday Gudoomiye ahaana ilaa doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo uu hayey xilka gudoomiyaha Komishanka Qaranka, sidoo kale waxa uu Xukuumaddii Axmed Maxamed Silaanyo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliland, waxa Iyana xusid mudan in Jamhuuriyaddii Burburtay ee la isku odhan jiray Soomaaliya ee aynu madax-bannaanideena kala soo noqonay 1991-kii u ka soo qabtay xilalka Maareeyihii Dekeda Berbera, iyadoo markii danbena loo dalacsiiyey maareeyaha dekedaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.