Afrika: shan Dal oo kor u kac Dhaqaale laga saadaaliyey 2023

Sida lagu qoray The Business Insider, IMF waxay saadaalinaysaa in shantan dal dhaqaalahoodu aad u kobci doono sanadkan 2023.

1. Angola: Angola waa waddanka Saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan waddamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya. Waa waddan qani ku ah shidaalka, waana waddanka labaad Afrika ee soo saara saliidda, IMF waxay saadaalinaysaa in dhaqaalaha waddankani kordho 8.6% oo uu gaadho dhaqaalaha waddankani 135 bilyan.

2. Itoobiya. Itoobiya waxay noqonaysaa waddanka afaraad ee Afrika ee ugu dhaqaalaha badan, iyadoo kaalintaa ka qaadaysa dalka Kenya, sida ay IMF xustay. Ka dib heshiiskii dawladdu la gaadhay Tigrayga, waxa la filayaa dhaqaalaha dalkan oo sii kordha, oo sanadkan gaadha 126 bilyan oo doollar.

3. Nigeria. Waa waddanka ugu dhaqaalaha badan Afrika, sanadkan waxa la rajaynayaa in dhaqaalaha dalkani gaadho 570 bilyan.

4. Koonfur Afrika. Waa dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan waddamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana la rajaynayaa in dhaqaalaha waddankani gaadho 422 bilyan oo doolar.

5. Kenya. Kenya waxay haysatay kaalinta afaraad oo imika Itoobiya soo galayso, waxaana la saadaalinaya korodh dhan 2.4%.