Shirka laascaanood: maxay talin doonaan Isimadda xujaysani, mase ogyihiin shirqoolka loo maleegayo umadda ay hormuudka u yihiin?

Kooxo isugu jira ganacsato, Culimo iyo siyaasiyiin aan waayo-arag ahayn, ayaa safka hore kaga jiray kacdoonkii ka dhashay gadoodka bulsho ee ka bilaabmay magaalada Laascaanood 28 bishii December, kuwaasoo talada magaaladaasi gacmaha ku sida tan iyo maanta oo loo fadhiyo maalintii saddexaad shirka aayo-ka-tashiga ee uu gogoshiisa fidiyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, kuna sugan yihiin inta badan Isimaddii gobolada Sool iyo Buuhoodle ee soo-jireenka ahaa, cuqaal, waxgarad iyo dad kale oo badan oo indheer-garad ah.

Kooxaha sida deg deg ah u maroorsaday talada laascaanood, iyagoo ka faa’idaysanaya dareenka shacbiga oo ka gadooday khasaarihii ka dhashay isku-dhici Ciidanka iyo rayidka, ayaa si u muuqata ku talogal iyo badheedh dhabaha ugu xaadhay xaalada nabad-gelyo ee magaalada Laascaanood si sibiq ah faraha uga baxdo.

Sababta ay sidaasi u yeelleen waxa lagu fasiran karaa laba qodob;

Inay soo qaateen mashruuc lagu wiiqayo xasiloonida iyo horumarka bulshada ku dhaqan gobolka Sool iyo jeeda deegaanka la wadaagta, kaasoo ay ugu gabood samaynayaan kooxaha xag-jirka ah ee dalka Soomaaliya fadhigoodu ahaa shan iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay, kuwaasoo deegaamadii ay dalkaasi kaga sugnaayeen kala kulmaya guluf colaaddeed oo ay dadka shacbiga ahi kaga soo horjeesteen, dabadeedna doonaya deegaamo dhibaatadooda ka bad qaba oo ay iminka gabood ka dhigtaan.

In loo sawiray fikir siyaasaddeed oo qayb ka ah ay qorshe xukuumadda Soomaaliya doonayso inay cadaadis ku saarto Maamulka Puntland oo gobolada SSC xildhibaannada calooshooda u shaqaysteyaasha ah ee ka soo gala nidaamka federaalka ah ku darsada qoondada saami-qaybsiga maamul-goboleedyada. Qorshahaasi oo la doonayo in maamulka deni lagu cabsi geliyo, iyadoo la aloosayo aasaaska maamul-goboleed cusub oo ka hoos-baxaya qoondada Puntland. Taasoo ah mid lagu xiniinyo siibayo xifaaltanka iyo xiisada cusub ee durba ka dhex qaraxday Muqdisho iyo Garoowe.

Waxaana mashruucan maleegistiisa aad loo tuhunsan yahay inay iska kaashadeen Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Khayre, madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar iyo hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Labada qodob iyo kuwo kale oo la xidhiidha cadaawad ka dhan ah JSL ayaa waxa aan shaki ku jirin inay  si dhakhsiyo ah huriyeen xiisada ka taagan Magaalada Laascaanood si fiican loo sahansaday intii uu oognaa khilaafka siyaasaddeed ee u dhexeeyey xukuumadda iyo asxaabta mucaaridka

Sida la garan karo, Labadaas qodob midkoodna dani uguma jirto shacbiga ku dhaqan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle , waxaana haddii ay u filaan labada ujeeddo midkood ku hogaaminaysaa inay waajahaan xaalad-amni darro oo geyeysiisa inuu u beryo waa cusub u horseeda bur-bur iyo qalalaase bulsho, waana inay noqoto “fadhiisin cusub oo ay Alshabaab degto, kagana duusho dalalka gobolka” iyo inay noqdaan “gobollo gala go’doon siyaasaddeed iyo maamul la’aan dabadeedna dushooda lagu dagaalamo” waayo? Haddii aan qiimeyno qodobka dhismaha Maamul gobolleed la yidhaahdo SSC, sinaba xilligan suurtogal ugama aha Soomaaliya, waxaana taasi ka fursad dhow oo aan lur badan geli doonin heshiis laba geesood ah oo dhex mara Muqdisho iyo Garoowe, kaasoo xal lagaga gaadho arrimaha haatan laysku hayo oo aan ahayn kuwo sidaasi u sii ridan, aadna u sahlan marka ay xaaladu runta gaadho ee ay qolo waliba tanaasul samayso. Waa hubaal in marka uu heshiiskaasi yimaado muqdisho aanay kor iyo hoos toona u meelmarin Karin qorshe lidi ku ah Maamulka Puntland.

hase yeeshee si dhab ah looma oga in arrimahan halista ku ah shacbiga jibaysan ay wax ka og yihiin Isimada dhaqanka ee uu shirweynuhu uga socdo magaalada Laascaanood iyo in kale, kuwaasoo ay imaanshiyahooda Laascaanood iyo kulan-shirreedkooda uu horyaallo hal-xidhaallihii ugu adkaa ee siyaasaddeed.

Isimadan ayaa la eeggi doonaa inuu shirkoodu noqdo mid si xaqiiqada ka turjumaysa uga taliya aayaha umadda gobolladaasi ku dhaqan ama god dheer kaga rida nabad-gelyada iyo xasiloonida haystaan, isla markaana ka irdheeya nidaamka dawladdeed, calanka iyo madaxbanaanida qaran ee ay qaybta ka yihiin.

Geesta kale, xukuumadda Somaliland ma dareensan tahay arrimahan is-huwan ee ku gedaaman xaalada gobolka Sool, maxaase uga qorsheysan haddii uu sii socdo shirqoolka cad ee loo maleegayo shacbigeeda goboladaasi ku nool?

Dhamaan su’aallahaasi waa kuwo ay jawaabahoodu horteena iman doonaan maalmaha soo socda, waxaana la gudboon cid kasta oo danaynaysa xalinta duruufta jirta inay wakhtiga ku haboon ciyaarto doorkeeda.