Shirkadda Telesom oo ku guulaysatay Shahaadada Caalamiga ee maaraynta amniga macluumaadka

Shirkadda Isgaadhsiinta iyo Xawillada lacagha Telefoonka Laysugu diro ee TELESOM, ayaa ku guulaysatay Shahaado caalami ah oo ay ku mutaysatay nidaamka maamulka badqabka macluumaadka.

Sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafaddeed ka soo baxay Shirkadda oo warbaahinta lagu shaaciyey, kaasoo nuqul kamida na soo gaadhay, una dhignaa sidan: “Waxa sharaf noo ah in aannu ku guulaysannay qaadashada shahaadada caalamiga ah ee ISO 27001 ee la xidhiidha nidaamka maareynta amniga macluumaadka “Information Security Management System” iyadoo ay Telesom noqonayso shirkaddii ugu horeysay ee guud ahaan Somaliland ka jirta, gaar ahaan dhanka Isgaadhsiinta, maaliyadda iyo tiknoolajiyadda Somaliland ee ku guulaystay in ay hesho shahaadadan.

ISO/IEC 27001 waa mid kamid ah nidaamka ugu fiican adduunka ee loo isticmaalo maaraynta amniga macluumaadka, taasi oo ku siinaysa in aad hirgeliso qaababka ugu fiican ee xogta loo ilaaliyo isla markaana kor loogu qaado heerka ka hortaga khataraha la xidhiidha ammaanka xogta.

Shahaadadani waxa ay ka dhigantahay in hab-maamulka, hab-raacyada iyo tiknoolajiga shirkadda Telesom isticmaashaa uu yahay mid waafaqsan nidaamyada iyo halbeegyadda caalamiga ah ee ilaalinta xogta iyo amniga tiknoolajiga.

Marwalba waxa aannu hormuud u nahay bixinta adeegyo tayo leh oo laysku hallayn karo.

#TelesomISO27001_Certified

#ConfidenceInTheDigitalEra

#ConfidenceInDigitalSomaliland