Madaxweynaha Turkiga oo fogeeyey Sweden

Madaxweynaha Turkiga ErdoฤŸan, ayaa sheegay inaysan Sweden dalkiisa ka sugin natiijo wanaagsan oo ku aaddan ku biirista NATO, inta buu yiri aysan ixtiraamayn Islaamka. Wuxuu intaa raaciyay inaysan jirin shaqsi xor u ah inuu aflagaadeeyo diinta Islaamka iyo diimaha kaleba.

Sweden iyo Finland ayaa bishii May si rasmi ah u codsaday inay ku biiraan NATO, balse Turkiga oo xubin ka ah NATO in ka badan 70 sano โ€“ ayaa ka biyo diiday, wuxuu ku eedeeyay dalalkan inay taageeraan ururka argagaxsida ee PKK.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa maanta u yeertay safiirka Holland u fadhiya magaalada Ankara, si ay wax ugu weydiiso hoggaamiyaha xisbiga Midigta Fog dalkaas oo isna shalay Kitaabka Qurโ€™aanka ku gabay magaalada The Hague ee Holland.