Wasiir arrimo Dibadeed oo Geeriyooday, Isagoo ka Qayb gelaya Shir

Wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Gabon, Michael Moussa Adamo aya geeriyooday, xilli uu sugayey inuu ka qayb galo shirkii golaha wasiirada oo ka dhici lahaa caasimadda dalkaasi ee Libreville maalintii Jimcaha.

Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Omar Bongo Ondimba ayaa xaqiijiyey Geerida wasiirkaasi.

Qoraal uu Madaxweyne Bongo soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu wasiir Adamo ahaa Diplomasi weyn iyo Saaxiibkiisa Koowaad.

Wasiirka arrimaha Dibedda dalka Gabon ee geeriyooday, Michael Moussa Adamo waxa uu ahaa 62 jir oo muddo dheer jaal la ahaa Madaxweyne Bongo.

Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyada dalkaasi oo la hadlay Wakaallada wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inuu wasiirka uu fadhiistay qolka sugitaanka, ka hor inta uusan bilaabanin shirka golaha wasiirada, iyadoo ay la joogeen qaar ka mid ah golahaasi.

Wasiir ayaa waxa uu dareemay xanuun, waxaa loola cararay cisbitaalka Milliteriga, halkaasi oo uu ku geeriyooday.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Wasiirku u geeriyooday Wadno-xanuun.