Shirweynihìi 1aad ee Ururka Macalimiinta Somaliland (SOLTA) oo ka qabsoomay Hargeysa

Hargeysa(GNA)Huteelka Dhoola’yare ee magaalada Hargeysa waxa maanta ka qabsoomay shirkii sannadlaha ahaa ee ururka macalimiinta Somaliland SOLTA.

Shirweynahan waxa macalimiinta kala soo qaybgalay agaasimaha waaxda shaqada iyo arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada, Mukhtaar Yuusuf Maxamed, agaasimaha It-ga, ee wasaaradda shaqo-gelinta Maxamed Jaamac Yuusuf, agaasimaha fulinta ee Komishanka xakamaynta HIV/AIDS (SOLNAC) Maxamed Xaaji Yaasiin, guddoomiyaha xidhiidhka guud ee ururada shaqaalaha Maxamed Axmed Cabdi, guddoomiyaha Dallada SONSAF Anwar Cabdiraxmaan, guddoomiyaha Xirfad-layaasha Somaliland Daahir Faarax, guddoomiye ku xigeenka Wargeysyada Dawan ee wasaarada warfaafinta Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale, xildhibaan Eng. Axmed Cabdi Ibraahim (Timo-jilic) oo ka tirsan golaha Wakiillada iyo mudaneyaal kale oo ka tirsan goleyaasha Baarlamanka.

Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay ergooyin ka socday Ururka macallimiinta laamihiisa gobollada Somaliland oo ay hogaaminayeen guddoomiyayaasha goballada Maroodijeex, Awdal, Togdheer, Saraar iyo Sanaag ee Ururka Macallimiinta Somaliland iyo marti sharaf kala duwan oo kale.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee lagu lafogurey shirkan, waxa kamid ahaa; soo bandhiga waxyaabihii qabsoomay sanadkii tagay ee 2022kii, dardar galinta hawlaha shaqo ee ururka, abuurida sanduuq guud oo uu leeyahay ururka macalimiinta Somaliland iyo qorshayaasha sanadka cusub.

Dhamaan masuuliyiintii kasoo qaybgalay shirka ee ka socday laamaha dawladda iyo Ururrada bulshada rayidka ah oo madashaasi hadallo ka jeediyey ayaa balanqaaday in ay garab istaagayaan, lana shaqeyn doonaan Ururka Macallimiinta Somaliland ee SOLTA.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyey hogaanka iyo aasaaseyaasha Ururkan oo ay ku tilmaameen mid baahi weyn qaranku u qabay, isla markaana loo baahnaa, waxaanay kula dardaarmeen inay halkaa ka sii wadaan deddaalkooda.