Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo la kulmay Weftiga Xukuumadda

Laascaanood (GNA):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Guddoomiye Khaliif, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin dowladda Somaliland ka tirsan oo tan iyo horraantii bishan joogay Laascaanood, una joogay xallinta iyo dejinta xaaladda kacsan ee Bulshada magaalada.

Masuuliyiinta Wasiirrada u badan ee hore u sii joogay Laascaanood iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa iska xog waraystey xaaladihii u dambeeyey ee magaalada iyo sida loo wajihi karo xaaladda magaalada.

Shaqaaqooyin dhimasho iyo dhaawac sababay iyo kacsanaan shacab oo Laascaanood ka dhacay dabayaaqada bishii December iyo horraantii bishan January, ayaa saamayn ku yeeshay habsami u socodkii amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada kale ee Bulshada oo badi hakad galay, waloow ay dhawaanahan magaaladu deggan tahay.