Askar dhamaysatay Culuumta Daraasaadka

Taliyaha ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 16 Askari oo dhamaystay culuumta daraasaadka Islaamiga ah, kuwaasoo muddo ku baranayay taliska dhexe ee ciidanka.

Taliyaha ayaa boggaadiyay macalimiintii iyo ardaydii dadaalkaa samaysay, waxaanuu taliyuhu ku bogaadiyay ciidanka in iyaga oo hawlihii qaranka wada dhanka kalena wakhtiyada firaaqada ay uga faaโ€™ideystaan barashada culuunta Diinta iyo kuwa maadiga ahba.

Sidoo kale taliye Sawaaxili ayaa ku booriyay ciidanka in ay markasta ku dadaalaan sidii ay wax u baran lahaayeen wakhtiyada ay furaaqada haystaan, waxaanu xusay in ay mar walba garab taagan yihiin askari kasta oo doonaya in uu waxbarto.

Dhankiisa mid ka mida macalimiintii daraasaadkaa islaamiga ah u soo dhigayay ciidanka ayaa sheegay inuu ku amaanayo ciidamada iyo xubnahaa u sareeyay imitixaamkii in muddadii ay socotay uga qayb qaateen si hagar laโ€™aan ah, waxaanuu ku dhiirigeliyay in halkaa ka sii wadaan.

Ciidamada dabdamiska ayaa inta badan wakhtiyada ay furaaqada haystaan uga faaโ€™idaysta barashada Qurโ€™aanka Kariimka ah iyaga oo ku dadaala akhriskiisa iyo in ay kaalmaha hore ka galaan.