Shaqaale tababar dhamaystay oo Shahaadooyin la gudoonsiiyey

Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar Sayid), maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo madaarada Somalialnd ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 38 ka mida shaqaalaha ka shaqeeya waaxda amniga garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Maareeye Cumar Sayid waxa uu sheegay in tabbabarkani aad iyo aad mihiim ugu ahaa shaqada iyo hannaanka baadhista madaarada, waxaanu xusay in ay siweyn ugu baahnaayeen, waxa uu intaas raaciyay in shaqaaluhu tababar joogta ah ay helaan in ay ka mid tahay siyaasada hay’adda duulista iyo madaarada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan tababar la rabo in loo qabto guud ahaan shaqaalaha sida tooska ah uga hawlgala hay’adda duulista iyo madaarada, waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha abniga madaarku yihiin kuwa ku hawlan sidii ay u qabanlahaayeen haddii wax la tahriibinayo, haddii wax la qarinayo, haddii arrimo abniga ah ama wax kale ah laga dhexsaarayo, in ay yihiin shaqaalaha soo saara ee aadka u shaqeeya.

Gaba’gabadi waxa uu sheegay in ay ka masuuliyiin ahaan siweyn u dhiirigelinayaan shaqaalaha ka hawlgala garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay markasta ka shaqaynayaan hegaana u yihiin in ay hoo iyo hiilba la garab taagan yihiin iyo wax kasta oo aqoontooda iyo mooralkoodaba kor loogu qaadayo.