Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo kormeeray goobaha Diiwaangelinta Togdheer

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa kormeeray goobaha ay ka socoto hawsha diiwaan-gelinta ee gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Xuseen Cabdi Cali (Badhaani) oo ka mida xubnaha komishanka doorashooyinka ee heer qaran, una qaabilsana shaqada gobolka Togdheer komishanka ayaa sheegay in guud ahaan degmooyinka gobolkaasi ka koogan yahay ay shaqada diiwaan-gelinta uga socoto si fiican.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ee gobolka Togdheer Farxaan Cilmi Cali, guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ee degmada Burco Maxamed Xoogsade, guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Nafaqo iyo masuuliyiin kale oo kormeerkaas qayb ka ahaa ayaa bushada ku nool guud ahaan gobolka Togdheer u soo jeediyay inay is diiwaan-geliyaan, si au uga qayb galaan doorashooyinka la filaayo inay sannadkan dhexdiisa ka dhacaan dalka.

Maayarka magaalada Burco Cabdirisaaq Ibraahin Hero ayaa guud ahaan bulshada ku nool magaalada Burco u soo jeediyay inay la faa’iidaystaan mudada kooban ee ka hadhay xiligii loo qabtay in ay socoto diiwaan-gelintu.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa wuxuu warbixin ka dhageystay hawl-wadeenada komishanka doorashooyinka ee degmada Burco, kuwaas oo guddoomiyaha iyo weftigiisa uga waramay sida hawshaasi u socoto iyo sida dadku ugu soo baxeen diiwaan-gelintaas.

Muuse Xasan Yuusuf guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa sheegay guud ahaan dalka ay diiwaan-gelintu si fiican uga socoto, waxaanuu tilmaamay in lagu jiro wejigii labaad ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Muuse Xasan wuxuu u mahadceliyay masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinka dalka, hawl-wadeenada ka shaqaynaya diiwaan-gelinta iyo ciidamda booliska oo kaalin muhiima ka qaadanaaya sidii hawshaasi ugu socon lahayd si nabadgelyo ah.