Hargeysa:Guri Fooqa oo Dab Qabsaday oo ciidamada Dabdemisku damiyeen

Hargeysa (GNA)- Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa u gurmaday guri Fooqa oo dab qabsaday kaasi oo ku yaala xaafada Half-london ee degmada Axmed Dhagax.

Alle mahadii Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ku fidiyay guryihii kale ee jaarka.

Ma jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho oo dabkaasi sababay. Waxaa hawlgalkaa ciidanka dabdemiska kuwehelinaayay ciidamada Booliska. Sababta dabkaasna waxaa gacanta ku haya ciidanka Booliska.

Ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan bulshada inay ka taxadaraan halista dabka, sidoo kalena ka feejignaadaan wax kasta oo dhalin kara dab.

Hadii aad dab la kulanto soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 Shirkadaha Telesom iyo Somtel.