Wasiirka shaqo-gelinta oo Kormeeray Goobaha Diiwaangelinta ka socoto ee Bariga Sanaag

Yube(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile oo safar shaqo ku maraya gobolada bari ee dalka qaybo kamida ayaa maanta gaadhay degmooyinka, Dabale Xagari,   Shinbiraale, Carmale iyo  Yube,
Waxaanu kormeeray goobaha diiwaan gelinta codbixiyeyaashu ka socoto ee degmooyinka.

Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa kulamo la yeeshay bulshada ku dhaqan deegaamadaasi, waxaanay iska xaal waraysteen arrimaha deegaamada iyo hawlaha qaranku ka wado.

Wasiir Mustafe Godane, ayaa Odayaasha iyo waxgaradka bulshada ku booriyey inay door weyn ka qaataan wacyigelinta Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashada oo halkaasi si fiican uga socota.

Hormuudka bulshada ayaa dhankooda soo dhaweeyey hawsha diiwaangelinta, waxaanay balanqaadeen inay si xilkasnimo leh uga qaybqaadanayaan hawshaasi.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si nabadgelyo ah uga socota guud ahaan goobaha loo asteeyey ee Dalka, waxaana kormeer iyo wacyigelin la xidhiidha sida ay u socoto gobolada dalka ku maraya masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.