Wajaale: Hal qof ayaa ku dhintay guri gubtay

ALLE haw naxariiste hal wiil ayaa ku geeriyooday, halka saddex kalena ciidanka dabdamiska ee degmada Wajaale ka soo badbaadiyeen dab ka kacay guri jiingad ah oo kuyaala xaafada Xasan Cawke ee magaalada Tog-wajaale.

Ciidanka Dabdamiska degmada Tog-wajaale oo goobtaasi gaadhay ayaa gurmad u fidiyay gurigaas dabku qabsaday, isla markaana bakhtiyay kana xakameeyay in guryaha jaarka uu gaadho.

Sidoo kale ciidanku waxa ay soo samata bixiyeen ciyaalkii guriga ku jiray, waxaanay soo saareen maydka wiilkii dabka ku nafwaayay.

Ciidamada booliska ayaa gacanta ku haya baadhitaanka kiiskaasi, waxaana maydka wiilkii ku geeriyooday la geeyay cisbitaalka degmada Tog-wajaale.