Markabkii Gefku Burburiyey!

Markabkii rakaabka ee ugu weynaa ee la sameeyo waxa lagu magacaabay RMS Titanic waxaana lagu sameeyay dadlka Ingriiska sanadkii 1912.

Markabkan ayaa ka shiraacday dekada Southampton ee dalka Ingiriiska isagoo ay saraayeen rakaab gaadhay 2224 qof iyo tiro shaqaalihiisa ka mid isagoo ku sii jeeday magaalada Neywork . Waxa uu ahaa safarkiisii u horeeyay ee u galo.

Injineerka Markabkan Thomas Andrews, ayaa ka warbixiyay qaabka Markabkan ay u sameeyeen inuu ka kooban yahay 3 dabaq, isla markaana ay u dhan yihiin difaaca wax kasta oo halis gelin kara inuu dego.

Weriya xafladdan ka qayb galay ayaa weydiiyay Injineer Thomas su’aasha ah :” Markabkan sidee aamin uga noqon karaa inuu dego oo badda ku burburo”.

Injineerku isagoo aad isu bedelay oo ka xanaaqay hadalkaasi ayuu ku jawaabay erayadan :” Waa mid amaan ah, Ilaahay xataa awood uma laha inuu badda ku dejiyo” .

Injineer Thomas waxa uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay Markabkaasi degay, ee aan ka badbaadin. Kibirka wuxu sabab inaad cidhib xumo ku danbayso.

Wargeyska Dawan