Hargeysa: Kulanka Heer gobol ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa – (GNA)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), ayaa maanta kulan ballaadhan oo lagu dardargelinayo diiwaangelinta codbixiyayaasha la qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka kala duwan ee gobolku ka kooban yahay u qaabilsan xisbiga KULMIYE iyo xubno kamid ah guddida fulinta ee gobolka.

Kulankan ayey ujeeddadiisu ahayd sidii madaxda xisbiga u qaabilsan gobolka Maroodijeex iyo degmooyinka hoos yimaaddaa taageerayaasha xisbiga ee gobolka ugu wacyigelin lahaayeen diiwaangelinta codbixiyayaasha ee dhammaadka bishan dalka oo dhan ka bilaabmi doonta.

Guddoomiyaha gobolka maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye, ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka iyo xubnaha guddida fulinta ee gobolka ku adkeeyey inay kaalin muuqata ka qaataan hawlaha lagu dardargelinayo diiwaangelinta codbixiyayaasha.