Wasiirka warfaafinta oo kulan dardar-gelin ah la yeeshay Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa kulan lagu dar-dar-galinayo, doorka wasaaradda warfaafinta ee diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka dalka la yeeshay agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.

Kullankaas waxa xoogga lagu saaray sidii hawl-wadeenada kala duwan ee wasaaradda warfaafintu kaalintooda uga qaadan lahaayeen wacyโ€™gelinta iyo gaadhsiinta bulshada wararka iyo barnaamijyada la xidhiida diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyโ€™gelinta Somaliland ayaa masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta faray in ay dar-dargeliyaan baahinta wararka iyo barnaamijyada ku saabsan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Guud ahaan waaxa lagu wadaa Somaliland in ay si rasmi ah uga bilaabmato hawasha diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu 28-ka bishan aynu ku jirno, iyadoo komishanka doorashooyinka qarankuna ay ku hawlan yihiin qabsoomida diiwaan-gelintaas.