Arday dhamaystay xirfad muhiim ah oo shahaadooyin la guddoonsiiyey

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed oo ay weheliyaan wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga Afooyinka iyo Kaydka Raashinka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay Dufacadii 8-aad ee ka qalin jabisay Machadka Culuumta Biyaha Xaaji Cabdi Waraabe ee wasaaradda Biyaha.

Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaa sheegay in ardaydan maanta qalinjabisay muddo lix bilood ah ay baranayeen farsada biyaha iyo dabka, taas oo uu xusay in dalka iyo dadka iyo ehelkoodaba ay ku anfici doonaan.

Geesta kale waxa boggaadiyay macalimiintii ardaydan mudada dheer wax soo barayay, oo uu sheegay in ay dadaal badan galiyeen sidii ardaydani u aflalixilahaayeen, waxaanu intaas ku daray in Qaranka oo madaxweynuhu kow ka yahay had iyo jeer isku abaabulaan sidii dadka loo barilahaa farsamada gacanta.

Geestooda wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo guddoomiyaha hay’addaha afooyinka ayaa ardayda ku hanbalyeeyay xirfada farsamada biyaha iyo dabka ee ay barteen, iyaga oo kula dardaarmay in ay aqoonta ay barteen ay bulshada dib ugu celiyaan.

Gaba’gabadii waxa madasha ka hadlay oo ka mahadnaqay wixii la baray ardayda ka qalinjabisay Machadka Culuunta biyaha ee Xaaji Cabdiwaraabe, iyaga oo balanqaaday in dalka iyo dadka ugu adeegi doonaan aqoonta ay ka barteen Machadkan.