Xukuumadda Somaliland oo Raashin gaadhsiisay Deegaamo ka tirsan Dhahar

Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka Raashinka Qaranka ayaa deeq raashin ah oo dhan 350 qoys gaadhsiisay shacabka ku nool deegaanada Bali-busle, Buraan iyo Kala Dhacda ee degmadda Dhahar ee Gobolka Badhan.

Kaalmadan oo isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan, ayaa waxa ka faa’idaystay 350 qoys oo ka mida dadka danta yar ee ku nool degaanadaas.

Masuuliyiinta hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka iyo kuwa degmada Dhahar ayaa si siman u gaadhsiiyay kaalmadan raashinka ah qoysaskii loo qoondeeyay in loo qaybiyo.

Munaasibadii deeqdan raashinka ah lagu qaybinayey waxa goob joog ka ahaa Maayirka Degmadda Dhahar oo ay weheliyaan Maayir Ku-xiggeenka Degmadda Dhahar, xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmadaasi iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda NEDFOR.

Maayirka Degmadda Dhahar Cabdirashiid Ducaale Cali oo ugu horeyntii halkaasi ka hadlay ayaa haayadda NEDFOR uga mahadceliyey deeqdan raashinka ah ee ay soo gaaadhsiisay deegaanada hoos yimaada degmadda Dhahar, waxa uu sheegay in dadku ay baahi weyn u qabeen raashinkan maadaama oo lagu jiro xilli jiilaal ah.

Isuduwaha Hayadda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka Raashinka Qaranka ee Gobolka Badhan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in degmada dhahar ay soo gaadhsiiyeen raashin dhan 350 qoys kaas oo qayb ka ah deeq ka timi dalka sucuudiga.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Badhan, Maayir Ku-xggeenka Degmadda Dhahar waxa ay soo dhaweeyeen deeqdan raashinka ah.

Ugu dambayn qaar ka mid ah dadka deeqdan raashinka ah la gaadhsiiyey ayaa xukuumada Somaliland uga mahadceliyey deeqdaasi oo ay sheegeen in ay wax weyn ka tarayso noloshooda.