Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo Qaabilay  Wefti ka socda SHirkada Shiidaalka ee Genel Energy

Hargeysa-14-12-2022(GNA), Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay Madaxda Shirkada caanka ku ah qodista Shiidaalka ee Genel Energy, taasoo Baadhista iyo qodis shiidaal ka wada qaar ka mid dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan ayaa ahaa is xogwaraysi kooban, iyadoo shirkada Genel Energy ay dedaal ugu jirto sidii loogu guulaysan lahaa in Somaliland loo soo saaro khayraadkeeda ku duugan, taasoo ay qayb ka mid ah degaanada Jamhuuriyadda Somaliland ay ka wado shirkada Genel Energy,baadhis iyo qodista shiidaalka, rajo aad u wayna laga qabo in lagu guulaysto.
Horuumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto iyo higsiga ay Somaliland ku doonayso in ay la soo baxdo khayraadkeeda waxaa sabab u ah isku duubnida Xukuumadda iyo shacabkeeda, iyadoo meel loogu soo wada jeedo ilaalinta nabadgelyada iyo horuumarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa kulankan ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.
Madaxda Ka socotay Shirkada Genel Energy waxay kala ahaayeen.
1.Mike Adam’s (technical director)
2. Michael Hohbein (asset Manager for Africa)
3.Ibrahim Hassan (Somaliland country manager)
4.Abdi Din (janale) (government affairs)
5.James Hopkinson ( above ground risk advicer).