Hargeysa: Dhismaha Degmada M. HAARUUN oo bulshada loo bandhigay

Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa ka qayb-galay munaasibad lagu soo bandhigayey nashqada cusub ee uu yeelan doono dhismaha degmadda Axmed Macallin Haaruun.

Munaasibadan oo ay ka qayb galeen mudanta iyo masuuliyiinta dagmada axmed macalim haaruun waxa ay halkaasi kaga dhawaaqeen qaadheenka lacageed ee ay kaga qayb qaadanayaan dhismahaasi cusub.

Gudoomiyaha Degmadda Axmed Macallin Haaruun Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud ayaa faah-faahiyay dhismaha dagmada iyo sida loogu baahan yahay in laga wada qayb-qaato dhismihiisa isagoo intaasi ku daray mahadnaq uu usoo jeediyay cidkastoo gacan ka gaysatay dhismaha degmadaasi.

Maayirka Caasimada Hargiysa iyo Ku-xigeenkiisa oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda si weyn ugu mahadnaqay bulshada degmadaasi iyo cidkasta oo dhismaha dagmada wax ku darsata.