Muxuu daarannaa kulanka Maayarka Burco iyo Komishanka Maamul-wanaagu?

Guddoomiyaha komishanka Maamul Wanaaga JSL Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo ay wehelinaayaan Komishaneer Cabdiqadir X.Ismaaciil iyo Agaasimaha Guud ee KMW Marwo Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay Maayarka Degmada Burco Mudane Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi.
Intii uu kulanku socday waxa uu guddoomiyaha komishanka Maamul Wanaaga JSL Md Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi uu Maayarka la wadaagay kuna wareejiyay natiijada qiimayn uu komishanka Maamul wanaagu ku sameeyey hanaanka maamul wanaagga ee Dawladda Hoose Ee Burco.
Intaasi ka dib Maayarka Degmada Burco Mudane Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi ayaa Komishanka ku bogaadiyey shaqada fiican ee ay Qaranka u hayaan, sidoo kalena maayarku waxaa uu balan qaaday inay fulin doono Natiijada, Talooyinka iyo Toosinta ku xusan Warbixintan uu Komishanka Maamul Wanaaga JSL la wadaagay.