Wefti ka socda Somaliland oo la kulmay Wasiir Ingiriis ah

Xildhibaan C/qadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Socdaal shaqo ku jooga Cariga Ingiriiska ayaa kula kulmay Xafiiska Raysal-wasaaraha Gobolka Wales Wasiirrada u qaabilsan arrimaha Africa iyo Caalamka Jan Hutt Ms.
Kulankaas laba geesoodka ah oo ay soo qaban qaabiyeen xubno Somaliland u dhashay oo ay ka mid ahaayeen C/kariin Cabdi Aadan oo ka mid ah la taliyeyaasha wasaaradda xidhiidhka gollayaasha iyo arrimaha distoorka ee Somaliland iyo Xildhibaan Siciid Ismaaciil Aadan oo laga soo doorto Magaaladda Newport ee Gobolka Wales.
Waxay labada dhinac ka wada hadleen Xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Wales-ka, iyadoo uu kal hore Mooshin ka keenay Xildhibaan John Grafis iyo qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Wales-ka.

Waxaa kale oo labada dhinac isla qaateen sidii ay Somaliland wefti ugu soo diri lahayd Gobolka Wales-ka si ay ula kulmaan Masโ€™uuliyiinta dhigooda ah ee Gobolkaas isla markaana ay uga wada hadli lahaayeen habka curinta xeerarka u gudbaya golleyaasha sharci dejinta iskaashina looga yeelan lahaa waxbarashadda iyo cimilada.
;>Sida uu warku sheegayo shirkaas ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca xafiiska Raysal wasaaraha Gobolka Wales iyadoo goโ€™aamadii ka soo baxay ay wasiiradu balanqaaday inay u gudbinayso xafiisyada dawladda Wales-ka iyo Baarlamaankooda.
Waxaa kale oo ay balanqaaday inay Khubaro taburucaad ah u diri doonaan Somaliland si ay mudo 8 Todobaad ah ugala shaqeeyaan hayโ€™adaha dawladda ee Somaliland, iyagoo hindisahaas ka soo dheegtay warbixin uu diyaariyey Sir Cali Cabdi Aadan oo matalayay Dawladda Wales-ka oo booqasho ku yimid Somaliland.

Waxaa Xildhibaan C/qaadir Indho indho kulankaas ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Marwo Yurub Abiib Cabdi.

Dhinaca kale Weftigan ka socda Somaliland waxay ka qayb galeen kulan gaar ah o ay soo diyaariyeen xarunta jaaliyadda Africa ee Waleshka.

Guddoomiyaha Guddida booliska ee Konfurta Waleshka Mudane Alen Michael oo ah ruug cadaa meel weyn kaga jira qaddiyadda aqoonsi raadinta JSL Isla markaana Xildhibaan ka soo noqday Baarlamaanka Uk ayaa weftiga soo dhaweeyay.