Somaliland: Maareeye hore Axmedyasiin Maxamed oo war ka soo saaray Xaalada Dalka

“Qaranka Somaliland iyo Dawladnimadiisu waa mid inaga dhaxaysa oo lama taabtaan ah…”

Siyaasad kasta iyo muran kasta oo dhexdeena yimaada waxaa muhiim ah in sidii aynu 30 kaa sano wax u xalin jiray in loo xaliyo.

Waxaan ilaa shalay arkayaa cadawgii SOMALILAND iyo kuwii ajanabiga ee ay u kiraysteen xumaanta SOMALILAND hadaladii dhiilada iyo ceebtaba inagu ahaa ee xisbiyada qaranka yidhaahdeen ma aqoonsanin dawlada sii buunbuuninaya oo SOMALILAND ka dhiga is leh meel lagu kala tegey, waxaan arkayaa reer Somalia Iyo qaar inaga mid ah oo ahbalo ahi ay meeshii taayir ama rash ka qarxaba ay leeyihiin qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay SOMALILAND.

Reer Somalia, weliba intooda neceb SOMALILAND waxaan mar walba ka maqlaa oo ay aaminsan yihiin in SOMALILAND ay Somalia ku soo noqon karto hadii laba arimood dhacaan. Labadaa arimood waxaad ka heli kartaa social media oo maba qarsadaan

1. In qaraxyo badan oo keena dagaalo ka dhacaan SOMALILAND dhexdeeda, deedna marka la isku madho la keeno ciidamo loogu yeedho nabad ilaalin, sida kuwa Somalia jooga

2. Iyo in SOMALILAND dagaal lagu soo qaado oo xoog loo hoos geeyo Somalia

Halgankii SOMALILAND waxaa bilow dhab ah u noqday dhagaxtuur kii February 1982, aakhirkiina horseeday dib ula soo noqoshadii xoriyadii SOMALILAND 1991 ee luntay 1960 kii.

Dhagaxii aanu tuurnay 20kii February 1982 anagoo jirna inta u dhaxaysa 13-15 jir Iyo kacdoonkii umadu ee boqolaal kun ku naf waayeen ma ahayn bilaash, kacdoonkii snm ee dad badan oo ay ka mid ahaayeen ardaydaydii aan isku fasalka ahayn Iyo macaliniintaydii ku dhamaadeen siiba dagaaladii buuraha waqooyi lagu gumaaday bilaash ma ahayn, wixii hanti qarankani Iyo umadani lahayd bilaash badhna looma gubin, badhna looma qaadan, 31 sano ayaynu mahadnaq, dedaal iyo horumar, ha iskaba yaraado horumarku ee aynu ku samiray, intaasoo xaaladood oo khariban,dagaalo, siyaasado asqaysan baynu ka soo gudubnay oo aynu si wada jira u xalinay, xumadan Iyo murankan siyaasadeed ee maanta taagan kama duwana waxyaalo badan oo ina soo maray.

Waxaan ku talinayaa in siyaasad kasta iyo muran kasta oo yimaada aan la dhex gelin wax kasta oo qarankan Iyo qaranimada SOMALILAND wax u dhimi kara.

Waxa kale oon kula talinayaa dawlada iyo xisbiyada qaranka ee muranka siyaasadeed ka dhexeeyo inay murankooda siyaasadeed soo afjaraan oo si sharciga waafaqsan loo xaliyo arinkan wadanka gilgilay ee keeni kara cawaaqib xumo aan la koobi karin

SOMALILAND ta aynu doonaynaa maaha tan aan arkayo. SOMALILAND ta aynu doonaynaa waa ta sharciga ay samaysatay raacda. SOMALILAND ta aynu rabnaa waa xal waara u hesha khilaafka joogtada ah

SOMALILAND ta aynu doonaynaa maaha mid ay beel kaliyaati maamusho oo weliba ay iyagii isku sii haystaan. SOMALILAND waa meel qabaaiilo badani ay degan yihiin, xaqna u leeyihiin maamulkeeda iyo anfaceedaba

SOMALILAND ta aynu doonaynaa waa mid uu xukunkeeda qaban karo qof walba oo u dhashay SOMALILAND, dadaalkeedana la yimaada, reerkuu doonana noqon kara

Xisbiyada SOMALILAND iyo Sharciga wadanka

2001 ayaynu afti dadweyne ku ansixinay dastuurka qaranka si loo yagleelo ama looga gudbo habkii wax lagu dooran jiray, oo ahaa mid ama odayaal dooran jireen madaxweynaha Iyo ku xigeenkaba, una doortaan kolba cida ay u arkaan inay umada hogaamin karaysay, markii danbana laba aqal ee baarlamaanka loona gudbo hab dawli ah, waxaa la sharciyeeyey in sadex xisbi la sameeyo keliya, oo mudo xiloodkoodu yahay 10 sano. Geedigaa lagaga guurayay hab beeleedkii wax lagu dooranayay oo ujeedadu ahayd in la helo xisbiyo iyagu Iska dhex doorta hogaamiye, dabadeed sadexdaa hogaamiye ay u tartamaan madaxtooyada.

2002 dii ayaa markii u horaysay taariikda SOMALILAND ay shicibka SOMALILAND ay u dareereen codbixin lagu kala saarayay ama xulayay lix urur siyasaadeed sadexda ugu cod bata lagu soo saaray ama ay ku noqdeen xisbiyada qaranka ee imika uu ka sii joogo xisbiga ucid , halka markii danbana ay soo baxeen kulmiye, wadani Iyo Ucid

Ka dib markii xisbiga Kulmiye talada dalka qabtay 2010 waxay noqotay in mar labaad la furo ururada siyaasadeed oo ay ku baratamaan doorashadii 2012 iyada oo la go’aamiyay in tobankii sanoba hal mar la furo.

Markii xisbiyada la furayay waxaa loo kala baxay laba, qolo waxay ku doodaysay in Sadex xisbi oo abadan ah la helo, qolana waxay ku dooday in 10 kii sanaba la helo sadex xisbi oo cusub, tan danbe ayaa la isku raacay, ka dib markii la saadaaliyay in aan lagu heshiin karin kolba cida murashax ka noqonaysa xisbiga iwm

Aakhirkii waxaa la isku raacay in 10 kii sanaba mar la doorto xisbiyo iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer 14/2001.

Sababta la isugu raacay in xisbiyadu noqdaan sadex waxay ahayd in
loo arkay in hadii ay ururadu bataan ay iman karto in qabyaaladu korodho, oo ay iman karto in xataa yimaadaan xisbiyo jifo hoose matali kara sida laga arkay lixdanaadkii, isla markaana sababi karta in bulshadu ku kala qaybsami karto, isla markaana keeni karta xasilooni daro siyasadeed. Sidaa Iyo siyaabo kale oo badan dartood, waxa la isla gartay oo haboonaatay in xisbiyada lagu koobo sadex si loo yareeyo, kolay lama saari karo qabyaalada.

Somaliland waxay ku hamiday in la sameeyo dastuur ku salaysan diinta si aan caqiidada dadka midaysa khilaaf Iyo muran loo gelin, Iyo in xisbiyada ay dadka ka fogayso qabyaalada

Rajadii laga qabay xisbiyada ee ahayd in xisbiyadu dawo u noqoto qabyaalada ayaa sii abuuray qabyaalada lafteedii, Isla bilowgiiba, ururadii siyaasadeed waxay noqdeen kuwo ka shidaal qaata beelo.

Beel waliba waxay samaysatay urur siyaaseed. Dhaqan siyaasadeedkii xisbiyadu markaas wuxuu noqday beelnimo ama qabyaalad. Wax walba oo xisbigii fulinayo iyo barnaamijkiisa siyaasadeed waxaa tiir dhexaad u noqday qabiil.

Sadexdii xisbi waxay noqdeen madal ay ku bahoobaan beelo. Aragtidii Iyo fikirkii ahaa in xisbiyadu noqdaan dawada qabyaalada waxay noqotay hawo beena, inkastoo ay qasab noqotay, markii reerna keligii socon waayay in in dhawr beelood is bahaysi noqdaan oo ku midoobaan xisbi. Taas oo runtii ka sahlanaatay aafooyinkii laga soo warinayay lixdanaadkii. In kastoo taas keentay cabsi ama threat badan oo dacaayado Iyo magacyo la isu bixiyay ay ka mid yihiin jeegaan, giraan, heego iwm.

Khilaafku waa caadi oo waa wax lagu qasban yahay, waana qayb nolosha dadka ka mid ah isla markaana horumarka bulshada qayb laxaad leh ka qaadata

Khilaaf waa astaamaha siyaasadeed ee ka turjumaya ama keena in arin qolo waliba si u aragto, aakhirkana keenta in labadaa la isku hayo ta wanaagsan la qaato, isla markaana ku salaysan sharciyan wa diiniyan

Dhibaatada Somaliland haysata ma aha khilaafka soo noqnoqda, khilaaf mar walba waa jirayaa, balse waxay tahay in uu yahay inaan la rabin in la raaco nidaamyada shuruucda aynu dhiganay isla markaana aanay jirin habraacyo iyo dhaqan wanaagsan oo lagu xalliyo khilaafka tii oo lagu salaynayo sharciga yaala

SOMALILAND ama waxay noqon meel sharcigu shaqeeyo oo sharcigu wax kala hago ama waxay noqon meel ay ina wareeriyayaan ashqaas u ooman kursi iyo xukun aan ilaahayba haduu rabo aanu ugu talo gelin.

Waxa umadan u muhiim ah in la helo xisbiyo aanay dadku ugu bahoobin ama ahayn mid shaqsi ama dan reer oo gaara ah, Waa inay noqdaan qaar u adeegaya qaranka, kana fog qof jeclaysi Iyo naas nuujin ama kooxeed.

Marka laga hadlo dhab ahaan, xisbiyada Somaliland maaha kuwo leh tayadii laga rabay xisbi ahaan. Waana sababaha keena muranka aan dhamaan ee hadh Iyo Habeen taagan, marmarna keenta in qaranka loo baqo.

Waxaan taas ku sababayn karaa dhawr qodob

1- ma laha xubno leh aqoonsi (ID Cards) oo ka tirsan xisbiga. Waxaa xisbiyada lagu taageeraa qabiil iyo is xulafaysi weliba sida dabaysha u guurguura. xubnimo (membership) la’aani waxay ku tusaysaa in xisbiyada Somaliland ay yihiin kuwo jira af ahaan laakiin aan hadana jirin maadaama ay xisbiga shardigiisu yahay inuu lahaado xubno ama dad ka tirsan oo la yaqaan tiradooda, xubnahaas ayaa noqda cidda aasaaska u ah xisbiga ee soo dirta ergooyinka shirwaynaha ka soo qayb gala. Waana ta keenta muranka lagu kala dhaqaaqo mar kasta oo shirwayne la qabto maadaama ay cid waliba iskeed isu soo xilqaanto ka qayb galka shirarkaa ama cida markaas gacanta ku haysa qaban qaabada shirku ay cida ay doonto ka dhigto ergadii halkaa timid, halkaa ay muran bilaabaan qaar iyagu isu arkayay inay ahaayeen ergadii saxda ahayd

2- Xisbiyadu ma laha inta badan xafiisyo gobol, degmo, tuulo. Waxaa caado ah in xafiisyada gobolada Iyo degmooyinka la kiraysto marka olole doorasho soo dhawaado..

3- Waxaa iyana jirta inaanay xisbiyadu lahayn xubno gole dhexe oo cayiman oo aad kolba arkayso in nambarka golaha dhexe uu ka duwan yahay kuwii ka horeeyay, halka xisbiyada qaarna aanay gole dhexeba lahayn

4- Waxaa iyana muran ka dhacaa tirada loo cayimay qabiilada ku bahoobay xisbiga oo cadaalad ka fog, keentana in lagu kala dhaqaaqo

5- Sharciga xisbiyada
Xeerka maamula xisbiyada guud ahaan oo ah Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer. 14/2001 oo isna ah xeer u baahan in madmadow ku jira laga saaro.

6- Waxaa iyana jirta in xisbiga uu noqday mid shaqsi Iska leeyahay oo aan gudoomiyaha gacan taag badanka lagu dooran, keentana in hal shaqsi uu keligiis ahaado gudoomiyaha xisbiga, maadaama aanu jirin xeer waxtar leh oo iyaga ama wax dabra.

Xeerarka aan dhabta ahayn laftooda ayaa iyaguna ah kuwo cidaa joogta ay marba bedesho iyagoo ku salaynaya dantooda gaar oo ah mid ka ilaalinaysa inay iyagu meesha ka baxaan ama dabra

7- Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Anxisinta Axsaabta Qaranka ayaa sharcigu awood u siiyay inay hubiyaan in xisbiyadu yeeshaan sharci ku salaysan dastuurka qaranka oo dhaqan gal ah isla markaana hubiyaan in xisbiyada ay sharciga raacaan.

gudidani maaha mid shaqaysa oo xilkeeda gudata. Mudo xileedkooduna waa laba sano, marka labada sano ka dhamaadaana ay xilkaa sii hayaan sanado inta laga dooranayo gudi kale, ku darsoo, Gudida waqtigoodii dhacay looma cusboonaysiiyo mudo xileed kale, hadana way sii shaqeeyaan oo mushahar bay ka qaataan Qaranka ilaa inta laga dooranayo guddi kale

 

8- Dhanka siyaasada xisbiyada.
Ma laha siyaasad iyo habraacyo qoran oo la raaco. madaxda xisbiyadu ma yaqaanaan meesha ay u socdaan iyo sida ay wax u wadaan toona. Waxa xisbiga lagu wadaa feedh Iyo laag Iyo in laga hadlo uun wixii kolba soo kordha ee olole kow ka yahay.

Madaxda xisbiyadu uma laha dulqaad siyaasadeed. Ma xamilaan duufaanada iyo culaysyada siyaasdeed ee sida dabaysha isu bedela. Taasina badanka waxay keentaa in ay si sahlan ugu dhaqmaan ficilo Iyo hadalo kiciya bulshada oo khalkhal galiya qaranka dhan

Maxaa laga rabaa xisbiyada
Xisbiyada waa inay lahaadaana siyaasad iyo nidaam cad oo ku salaysan sharciga qaranka ama aan ka hor imanayn daatuurka qaranka, keeni kartana in xisbiyadu ku kala bixi karaan marka muran dhexdooda ahi yimaado.

Waxaynu ku nool nahay mandaq Iyo jaarar holcaya laakiin inaga ilaahay waxa uu isagaa mahad lehe inoogu deeqay xasilooni Iyo nabad aynu ku caano maalay mudo 31 sano ah, taasoo ah mid ay shacabka xariirta ah ee SOMALILAND ay si wada jir ah u wada ilaashadeen, gaadhna ay hadh Iyo habeen ka hayaan, ilaashana doona weligood. Waxaynu dal ku nahay oo ku faanaa oo caalamku inoo qiray, oo caalamku inoogu bixiyeen magacyo badan oo nabada ka turjumaya, oo ahnu ku nahay dal shicibkiisu si wada jir ah u ilaashada waa qaranimada Iyo nabada aynu wada dugsanayno, imikana diyaar u ah inay ilaashadaan oo aan cidna ka yeeli doonin inay khalkhal Iyo amni daro wadanka geliyaan

Ahmed Yasin Mohamed Jama

aMaareeyihii hore ee Wakaalada Korantada Dawladda
aymjama@hotmail.co.uk