Xukuumadda Somaliland oo Guryo u dhistay 70 Qoys

07-11-2022 Hargeisa (GNA) Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Degsiimo Usameysay 70 Qoys Oo Hore Udaganaa Dhul Dawladeed, Iyadoo Wasaaradu Siisay Dhul Iyo Guryo Gaar Ay Uyeelan Doonaan Qoysaskaasi Oo Dhammantood La Dajiyey Lana Siiyey.

Dhulkan Ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dadka Ka Rartay Ayaa Hore Loo Odhan Jirey Dhulka “Soomali Iskotka”, Iyadoo Dhulkaas Ay Lahayd Dawladu, Isla Markaana Qoysaskaasi Ay Si Kumeel Gaadha Udaganaayeen Dhulkaas, Hase Ahaate Imika Dawladu Ubaahatay Lagana Dhisayo Xarumo Dawladeed.

Qoysaskan Ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Rartay Ay Tiradoodu Dhanyad 70 Qoys, Iyadoo Ay Meesha Ay Daganaayeen Ahayd Meel Cidhiidhiya Oo Ay Ku Adkayd Deganaashiyuhu, Iyadoo Dhamaantood Laga Raray Goobtaas. Iyadoo Wasaaradu Qoys Kasta Oo La Raray Siisay Gaadhigi Alaabta Uqaadi Lahaa Oo Bilaash Qoyskasta Alaabtiisa Loogu Qaaday, Guriga Uu Dagayana Loogu Geeyey Si Nabad Ah.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Hadda Dhamaan Qoysaskaas Siisay Dhul Ay Gaar Uyeelan Doonaan Oo Iyagu Mulkiyi Doonaan, Sidoo Kalana Dhulkaas Uga Dhistay Guryo Ay Dagaan Oo Ku Haboon Deganaashiyaha, Iyagoo Dhamaan Qoysaskaasi Guryahaas Ay Gaar Uyeelan Doonaan Oo Qoys Kastaa Gaarkiisa Loo Siiyey Sidaan Ku Mulkiyey.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Dhulka Dadkan Laga Raray Siin Doonaa Hayad Kamid Hayadaha Dawladda, Iyadoo Laga Dhisi Doono Xafiisyo Hanti Maguurto Ah Oo Dawladu Laamaheeda Kala Duwan Yeelan Doonaan. Iyadoo Gadaal Wasaaradu Kasoo Sheegi Doonto Cid Dhulkaas La Siin Doono.