Dabaysha Roobka ka hor: Buug laga qoray Cilmi-baadhis laga sameeyey Kacdoonkii Dhalinyarada UFFO

Ebba Tellander oo ah Haweenay u dhalatay wadanka Sweden ayaa cilmi-baadhis balaadhan ku samaysay ururkii UFFO Iyo dhagaxtuurkii ardayda ee dhacay 20 February 1982 sababihii keenay xadhigii ururkaa iyo kacdoonkii ardayda ee Dhagaxtuur 20 February 1982.

Cilmi baadhistan ayey ku diyaarisay buuggeeda Jaamacadda heerka PhD, iyaddoo si guul leh u difaacday shahaadadeeda PhD ee ay ku qaadatay mowduucan taariikhda badan xambaarsan.

Waxay qoraalkeeda cinwaan uga dhigtay “The Wind That Blows Before the Rain” DABAYSHA ROOBKA KA HOR”

qoraalkan ama thesis kan ay ku difaacaysay shahaadadeeda PhD waxay si mug leh ugaga hadashay ama qortay ururkii aqoonyahanka ee UFO xadhigoodii la xidhay Iyo kacdoonkii ardayda ee 20 February 1982 ee xadhigoodu sababay, kacdoonkaa ardayda ee dhagaxtuur oo runtii noqday bilowgii halganka SOMALILAND ee keenay in SOMALILAND iyagoo isku duuban ay dib u soo ceshadaan xornimadii ay 35 wadan oo ay ku jiraan dawladihii super powers ahaa ay u ictiraafeen dawlad ay si dhib yar u geeyeen Mogadishu oo iyadu xornimada la siiyay ka dib markii SOMALILAND ay ka xorowday ingiriis
Ebba Tellander Waxay qoraalkeeda ku bilowday, ‘Dabaysha roobka ka hor oo ay uga jeeday ururukaa UFO Iyo kacdoonkii ardaydii dugsiyada sare iyo dadka deegaanka ee lagaga soo horjeeday xadhigaa iyo dilkaa dadkaa waxgaradka ururkaa UFO ee ku bahoobay ama isu xilqaamay in ay helaan dhaqaale lagu dhiso dhaqtarka hargeisa oo dayac badan Iyo nadaafad daro baahsani hadhaysay waqtigaa. Waxaa ururkaa UFO ee u bahoobay tabaruca lagu eedeeyey ama lagu xidhay inay xidhiidh la leeyihiin ururkii xornimo doonka ee Somali National Movement ama SNM. Taasoo ahayd been cad oon cadayn loo hayn, balse qayb ka ahayd cabidhintii iyo cagajuglayntii lagu hayay wixii markaa loola baxay gobolada waqooyi balse la odhan jiray British SOMALILAND xornimadooda qaatay 26 June 1960, markii danbana si bilaa shuruud ah ula midoobay dalkii ay walaalaha moodeen ee la odhan jiray Italian Somalia.

Halkan hoose ka akhri hordhaca qoraalkeeda jaamacada oo ay Ebba Tellander ay dhawaan ku soo saari doonto buug uu ku dhan yahay dhacdooyinkii UFO Iyo dhagaxtuur.

Waa taariikhdii SOMALILAND oo si waadaxa oo cilmiyaysan ay ugu fara yaraysatay ka dib markii ay baadhitaano badan samaysay, iyadoo waraysatay dhamaan ururkii UFO inta joogta.

https://www.iss.nl/en/media/2022-08-english-abstract-ebba-tellander

Maalinta dhagaxtuur waa maalin weyn oo qarankan jiritaankiisii bilow ka ahayd, waxaa imika loo aqoonsaday in ay tahay maalin qaran oo u gaara dhalinyarada SOMALILAND, siiba intii aan ka midka ahayn ee kacdoonka dhagaxtuur bilowday.
Sawirkani waa waxgaradkii UFO inta joogta. Intii dhimatay ilaahay ha u naxariisto aamiin
Waxaa sawirkan hoose ka muuqda in ka mida dhalintii ka gadooday xadhiga Iyo dilka qorshaysnaa ee UFO. Waxay da,adoodu u dhaxaysay waqtigaa 14 ilaa 15 jiro ku jiray fasalka labaad ee dugsiyada sare

Halkan ka dhegayso ardaydii aanu isku fasalka ahayn ee goobjooga ahaa oo ka waramaya dhagaxtuur 20 February 1982

https://youtu.be/f4QJjEa7Wyg

Sawirkani hoose waa Hargeisa, 20 February 1982 Iyo dhagaxii aanu tuurnay oo wadooyinka magaalada Hargeisa, gaar ahaan wadada halka madaxtooyada ama dhaqtarka weyn ee hargeisa hadheeyay Iyo ardaydii Iyo shicibkii dhagaxa tuurayay oo si geesinimo leh u dhex taagan.
Waxaa sawirkan hoose isna ka muuqda olol Iyo qiiq badan oo ka dhashay hubkii cuslaa ee sida arxan darada ah loola beegsaday ardaydii Iyo shicibkii dhagaxa ku tuurayay kaarayaasha Iyo dabaabadahii qarankaasi lahaa ee lagu soo iibiyay cashuurtii umadan laftooda laga qaaday, looguna talo galay cadawga Iyo difaaca qaranka

Buugaa oo dhawaan la filayo inuu soo baxo ha loo diyaar garoobo in la iibsado, weliba dhalintu ama intii dhalatay waqtiyadaasi ha akhristaan taariikhdaa uu qoray qof ajanabi ah oo u huray waqti badan si uu u helo wararkaa oo xaqiiq ku salaysan

https://somalilandhargeisa.wordpress.com/2022/02/15/taariikhda-dhagatuur-20-february-1982-iyo-ururkii-samafalka-uffo-ee-somaliland/

Axmed-yaasin Sh. Maxamed Jaamac

aymjama@hotmail.co.uk