Weftigii ka socday xisbiga KULMIYE oo kulan dardargelin ah la qaatay taageerayasha xisbiga ee gobolka Selel

Saylac -(GNA) Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo muddo toddobaad ka badan safar shaqo ku marayey gobollada dalka, ayaa maanta kulan ballaadhan oo hawlaha xisbiga lagu dardargelinayo la qaatay taageerayaasha kala duwan ee xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Munaasibad ballaadhan oo ay kasoo qaybgaleen maamulka gobolka, ka degmada ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, islamarkaana ay ku sugnaayeen cuqaasha, waayeelka, dhallinyarada haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee taageerayaasha u ah xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay gudaha magaalada Saylac, ayey weftiga iyo taageerayaashu isku xogwaraysteen, si qoto dheerna wax isaga weydiiyeen muhiimadda ay leedahay in hoggaanka xisbiga iyo taageerayaashiisuba xoojiyeen isku xidhnaantooda.

Ugu horrayn qaar kamid ah cuqaasha, waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka reer Saylac oo madasha ka hadlay, ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, islamarkaana aanay cidna ku doorsanayn xisbiga, maaddaama oo uu mashaariic tiro badan oo wax weyn ka beddelay noloshooda ka hirgeliyey deegaanno badan oo gobolka Selel kamid ah.

Badhasaabka gobolka Salel, Mudane Mawliid Maxamed Nuur oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna ka sheekeeyey waxqabadyada waaweyn ee xukuumadda KULMIYE ka dhalatay ka hirgelisay gobolka Selel iyo degmooyinka hoos yimaadda, taasina ay keentay inay sii xoogaysato taageerada uu xisbigu ku leeyahay gobolka Selel.

Wasiirkii hore ee maaliyadda, haatanna kamid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isaguna sharraxay muhiimadda ay leedahay inay la xoojiyo isku xidhka xisbiga iyo taageerayaashiisa, waxana uu usoo jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Saylac inay isku duubni iyo wada-jir ugu diyaar garoobaan doorashooyinka ururrada ee soo socda.

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde oo la hadlay bulshada reer Saylac, ayaa ku ammaanay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu kula dardaarmay inay midnimo iyo cudud ku wajahaan doorashooyinka soo socda, codkoodana siiyaan xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye-kuxigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheer oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa hoosta ka xariiqay inay Saylac tahay buqcad taariikhi ah oo uu xisbiga KULMIYE codkeeda ku xisaabtama, xukuumadduna ay wax badan u qabatay.