Maraykanka oo cuno-qabateyn cusub ku soo rogay Soomaali

Wasaaradda Lacagta ee dalkan Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya.

Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa ku jira Cabdirahman Mohamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Soomaaliya, iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharcidarada ah kasoo dejiya Puntland, sida ay qortay Reuters.

Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Ciise Mohamoud Yusuf, oo lagu eedeeyey inuu hubka iyo saadka ufududeeyo Al-Shabaab, islamarkaana uu soo geliyo Puntland hub.

Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Cabdirahman Faahiye oo lagu sheegay inuu yahay Amiirka Daacish ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale xayiraadda lala beegsaday Mohamed Ahmed Qahiye oo Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay inuu yahay madaxa Amniyaatka, oo ah kooxda sirdoonka u aqaabilsan Al-Shabaab iyo xubno kale.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo Washington ay isku dayeyso inay sare u qaaddo diiradda lagu arbushayo shabakadaha maalgelinta argagixisada ee Afrika, sida uu weriyayaasha u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Inkasta oo tallaabdan ay tahay tii ugu horreysay ee Mareykanka uu ku beegsado kooxda Daacish ee Soomaaliya, haddana sarkaalka ayaa sheegay in toddobaadyada soo socda ay iman doonaan tallaabooyin kale oo dheeri ah.

Wasaaradda Maaliyadda waxay sidoo kale sheegtay in kooxda Daacish ee Soomaaliya “ay si caadi ah ula shaqeyso ururada kale ee argagixisada” sida Al-Shabaab iyo kooxaha burcad badeedda.