Weftigii uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo maanta kulammo dardargelin ah la qaatay maamulka iyo taageerayaasha xisbiga ee degmada Sheekh

Sheekh:29/10/2022(GNA)-Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo muddooyinkanba safar shaqo ku marayey qaar kamid ah gobollada bariga dalka, ayaa maanta kulamo dardargelin iyo is-xog-waraysi ah la qaatay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga ee degmada Sheekh oo ay hormuud u yihiin madaxda xisbiga ee degmada iyo mudaneyaasha golaha deegaanka ee KULMIYE kasoo baxay.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xisbiga, islamarkaana la isu xog-waraysan lahaa taageerayaasha iyo maamulka xisbiga ee degmada, ayaa la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado isku xidhka xisbiga iyo taageerayaashiisa reer Sheekh.

Qaar kamid ah madaxda xisbiga ee degmada Sheekh iyo mudaneyaasha golaha deegaanka oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay taageerada laxaadka leh ee xisbigu ku leeyahay degmada Sheekh iyo sida ay haatan ugu heellan yihiin inay sii laban laabaan taageeradooda.

Xubno ay kamid yihiin xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, siyaasi Cabdicasiis Samaale oo katirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha ku ammaanay xamaasadda iyo isku-xidhnaanta ka muuqata, waxana ay kula dardaarmeen inay u diyaargaroobaan doorashooyinka soo socda, korna usii qaadaan taageeradii iyo dedaalkii xisbinimo ee ay caanka ku ahaayeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo munaasibadda soo Af-meeray, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee degmada Sheekh, waxana uu hoosta ka xarriiqay in la galay waqti siyaasi ah oo looga baahan yahay taageerayaasha inay ku dedaalaan sidii ay xisbiga KULMIYE codkooda, cududdooda iyo cuudkoodaba ula garab istaagi lahaayeen.