Duuliye Axmed Dheere oo kulan Dhiirigelin ah loogu Sameeyay Hargeysa

Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa kulan mahadnaq iyo qado sharaf ay ku maamusay Duuliye Axmed Dheere, oo uu sheegay in badbaada naftiisa uu ka doortay ta bulshada Somaliland, isla markaana diyaaradii uu waday ee la rabay in ay duqayso bulshada reer Hargeysa uu ka duwan isla markaana uu meel kale ka dajiyay.
Xildhibaanka iyo duuliyayaashii kale ee ay isku ahaayeen saraakiishi ciidamada cirka waxa ay Axmed Dheere ku sifeeyeen shaqsi qalbi wanaagsan ILLAAHEY ku ilhaamiyay badbaadinta bulshada Somaliland.
Xildhibaan Siciid isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Maanta waxa aynu halkan isugu nimid in aynu xusno, karaamayno, sharafno Axmed Maxamuud (Duuliye Axmed Dheere), dhab ahaantii muddo ayuu joogay ayuu joogay intaa ismaynaan haleelin, manta ayay xagga ALLE ka suuragashay.
Hawl bulshada reer Somaliland oo dhami ogtahay ayuu qabtay isaga ayaana ka waramay, sidoo kale madaxweynuhuna wuu ka hadlay oo wuu qaabiley, bulshada qaybaheeda kala duwananina kulamo noocan oo kale ayay la qaadatay, mar haddii aynu ciidanka circa muddo dhawr iyo toban sano ah kawada shaqaynaynay in aynu nidhaahno walaalkeen soo dhawaw waddanku waa wadankaagii, waa meeshaadii, waa iyo kuwii yaryara ee aad badbaadisay ayaa ku leh waad mahadsan tahay ILLAAHEY khayr haku siiyo”
Jaamac Cali Xasan oo ahaa farsamayaqaan dhinaca diyaaradaha ah, ayaa Duuliye Axmed Dheere ku amaanay bulsha dhan oo loogu talo galay in la xasuuqo in uu go’aan ku gaadhay in uu badbaadiyo, isla markaana uu sameeyo wax aan nin rag ahi sameyn Karin, taasina ay tahay abaal ay bulshada Somaliland u hayo yar iyo weyn.
Waxaanu yidhi. “Waad mahadsan tahay Siciid Cabdillaahi Yasir, xil weyn ayaad naga dulqaaday, Duuliye Axmed Dheere saaxiibtinimada kasekow xaq badan ayaynu isku lahayn, oo aynu isu horaynay, markii danbena mujaahidka badheedhay.
Waxaan weydiiyay waar maxaa addoo diyaarad saran aad isku tidhi ciida gali? Oo ku deji meel ciida? Eed khatarta isu galisay? Wuxu igu yidhi Barashuudkii aan ku boodilahaa ayaa xumaa, oo danta ayaa halkaasi imarisay, dee waa sax Ayaan ku idhi ILLAAHI kaa badbaadiyay ayaa mahada leh.
Axmed wuu mahadsan yahay aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay bulsho dhan oo la rogayay ayuu dhiniciisa ka badbaadiyay, waligiina soo dhaweyntiisa iyo mahadcelintiisu wax inaga dhammanaya maaha, waxa uu ka badheedhay wax aan ragba ka badheedhin, maanta aad ayaanu u farxay markii la yidhi Axmed Dheere ayaynu la kulmay oo Siciid ayaa qado sharaf inoo sameeyay,”
Duuliye Axmed Dheere ayaa sheegay in Somaliland ay ula mid ahayd gurigiisa oo kale, taasina ay tahay ta keentay in uu qaato go’aanka uu ku leexiyay diyaaradii la rabay in uu ku soo gumaado bulshada reer Somaliland.
Waxaanu yidhi. “Mashaqadii halkan ka jirtay sodon sano ka hor oo halkan ka dhacaysay, dhibaatada iyo dulmiga waxay ahayd waxaan la sifayn karin, isla markaana aynu wada ogayn siday ahaayeen, foolxumada meesha taalay ALLE ayaa igu ilhaamiyay in diyaaradii aan waday aan ka duwo halkii la igu yidhi ku duqee, waana gurigaygii oo kale halkan, gurigaygana ma duqayn karo.
Waxa sharaf ii ah in aan halkan ku kulano kuwada qadayno, ku sheekaysano aragtideenana ILLAAHEY haka dhigo mid sii jirta”