Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo lagu dhaariyey madaxweynaha hortiisa

Hargeysa-17-10-2022-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey xubno isugu jira wasiirro, wasiir-ku-xigeeno, gudoomiyeyaal iyo Gudoomiye ku xigeeno hay’adaha madax-bannaan ah oo uu hore xilal qaran ugu igmaday oo dhawaan kasoo gudbay ansixinta golaha wakiillada, waxana dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.
Ugu horrayn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa kelmedo dardaaran ah u jeediyey masuuliyiinta maanta la dhaariyey, waxana uu ku dhiirriyey inay dhawraan ammaanada dummaddooda la saaray.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si wada jira u dhaariyey masuuliyiintan, kuwaas oo gacmaha saaray kitaabka Qur’aanka kariimka ah, islamarkaana ballan qaaday inay daacad u noqon doonaan dadka, dalka iyo Diinta Islaamkaba.
Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib kelmedo dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey xubnaha dhaarta gutay, isaga oo ku adkeeyey inay waajibaadka la saaray u gutaan si hufan, bulshadana ugu adeegaan si daacadnimo ku dheehan tahay.
Masuuliyiinta maanta la dhaariyey, ayaa isagu jira wasiirro, wasiir-ku-xigeenno, guddoomiyeyaal hay’ado madax-bannaan iyo kuxigeenno, waxana ay kala yihiin;
Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha, Mudane, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, wasiir-ku-xigeenka shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska, Mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Siciid Xasan Habbane, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, guddoomiyaha Hay’adda dhawrista tayada, Mudane Mukhtaar Maxamed Cali iyo ku-xigeenkiisa, Mudane, Xamse Cabdi Ibraahim, guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka, Mudane Guuleed Muuse Galaal iyo guddoomiye-ku-xigeenkiisa, Mudane Maxamed Xuseen Axmed.