Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo bixiyey cashuurta gurigiisa

Madaxweynaha ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa xarunta degmada Ibraahim kood-buur ee dawladda hoose ku bixiyey cashuurta Guriga uu degen yahay.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa maray nidaamka cashuur-bixinta ee muwaadiniinta loogu talogalay, waxaana hadal uu jeediyey ku amaanay dawladda hoose ee Hargeysa horumarka ay samaysya, isagoo si gaar ah u majeertay bilicda iyo habsanaanta xarunta Waaxda ee uu lacagta ku bixiyey.

“meel shacabka loogu adeeggo halkii ugu quruxda badnayd ayaan halkan ku arkay”ayuu yidhi Saylici.

Halkan ka Daawo Muuqaal: