Wasiirka Wasaaradda Arimaha oo dhagax-dhigay Aaga Wershadaha ee Gobolka Maroodi Jeex

Hargeys-09-10-2022(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Maayarka Caasimada Hargeysa, ayaa ka qayb galay dhagax dhiga aaga Wershadaha ee Gobolka Maroodi Jeex, munaasibadan ayaa ka qabsoontay goobta loo qorsheeyey aaga Wershadaha oo ku taalla Bariga Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo Khudbad ka jeediyey Munaasibada dhagax dhiga ayaa ka waramay muhiimada ay qaran ahaan inoo leeyihiin Wershaduhu, kuwaasoo qayb wayn ka qaata waxyaabaha wadamadu ku kala hormaraan, isagoo Wasiirku u mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha iyo Maayirka Caasimada Hargeysa.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ka waramay khayraadka wadankeena jira, sida macdanta, Shiidaalka, Beeraha iyo waxaa ugu wanaagsan oo ah Xoolaha nool ee aynu haysano, isagoo Wasiirku intaa ku daray in ay muhiim tahay in aan ka faa’iidaysano Khayraadkeena dalka ku duugan, Wasiirka ayaa sheegay in aan cidina yeelan karin aan Dawladda ahayn Buuraha, meelaha jeex jeexan iyo Dooxyada.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in ay meel aad u fiican marayso sahaminta Shiidaalka ee Gobolka Saraar, taasoo maraysa halkii ugu danbaysay, taasoo ah guul aad wayn, Sahaminta waxaa wada shirkada Genel Energy, dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in Ceelkii laga qodayey Sallaxley uu u dhowyahay in goobtaa uu ku jiro Shiidaal, Wasaaradda Macdantuna ay gacanta ku hayso.