Booliska oo gacanta ku dhigay Eedaysane dil geystay Hargeysa

Ciidanka booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Siciid Ismaciil Xassan oo ku eedeysan inuu dilay gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Nashaad Sakariye Xassan oo 2 jir ah.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa , waxaana eedeysanuhu dilka inantan yar u istacmaalay Midi uu ku gawracay.

Ciidanka Booliska JSL waxay mar walba u mahad-naqayaan Shacabka somaliland ee xogaha la soo wadaaga.