Muddo-kordhinta Madaxweynaha JSL maxay ka yidhaahdeen Beesha Caalamku?

Saaxiibada Somaliland ee Beesha caalamka, ayaa war ay ka soo saareen arrimaha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ku muujiyeen dareen ay ku tixgelinayaan muddo-kordhinta Golaha Guurtida Dalku u sameeyeen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa horaantii todobaadkan, waxaanay soo jeediyeen in lays waafajiyo go’aanka golaha iyo soo-jeedinta guddida Doorashoyinka ee wakhtiga farsamo, iyagoo ugu baaqay hogaamiyeyaasha asxaabta iyo hay’adda fulintu inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan arrimaha khilaafku ka taagan yahay.

War kooban oo lagu daabacay Bogga Safaarada Maraykanka Arbacada maanta, kaasoo lagu sheegay arragtida ay ka qabaan muddo-kordhinta iyo arrimaha doorashooyinka saaxiibada Somaliland oo ay kamid yihiin Dawladdaha Maraykanka, UK iyo midowga Yurub, ayaa waxay hoosta ka xariiqeen jiritaanka caqabadaha farsamo ee dib-u-riixay Doorashada “Ka dib go’aankii guurtidu ka soo saartay muddo kordhinta #Somaliland, Maraykanka – iyo saaxiibadiisa caalamiga ah – waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay geeddi-socod la isku raacsan yahay oo dimuquraadiyada xoojinaya”ayaa lagu yidhi war ka soo baxay taageerayaasha dimuquraadiyada JSL.

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa usbuucii hore shaaciyey inay muddo sagaal bilooda ku qaban karaan Doorashada madaxtooyada oo wakhtigeedu ahaa 13 bisha November ee fooda inagu soo haysa.