Go’aankii Golaha Guurtidu wuxuu soo Celiyay Kalsoonidii Shacabka ee Shakiga la Geliyay” Xoghayaha Fulinta Awdal waraysi gaar ah

Xoghayaha fulinta Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed,ayaa sheegay sida go’aankii muddo kordhinta ee golaha guurtidu u sameeyay Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Mudane CabdiraxmaanCabdilaahi Ismaacii(Saylici) uu dadka uga farxiyay iyo sida uu meesha uga saaray rejo xumo badan oo dadka la geliyay,taas oo ka dhalatay hadalo dhiillo lahaa oo ka soo yeedhayay Mucaaridka.

Waxaa kale oo u ka hadlay dad badan oo gobolka Awdal ku soo hayaamay oo abaarta dalka ka jirtaa deegaanadoodii ka so rartay oo gobolka Awdal aad ugu soo gooray iyo sida dadka gobolka Awdal usoo dhaweeyeen.

Waxaanu bulshada gobolka Awdal ku ammaanay sida aan hagrashada lahayn ee ay dadka duruufta abaartu u keentay ay usoo dhaweeyeen.

Xoghayaha fulinta gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed waxaa uu sdaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan.

 

Ugu horrayn Xghaye Mustafe oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dhanka ammaanka gobolka waxaa uu ku jawaabay. “Gobolkani waxa uu ku jira gobollada ugu deggan ee ugu nabdoon guud gobollada Somaliland, taasna waxa sabab u ah bulshada sharafta leh ee reer Awdal, oo iyagu masuul ka ah nabadgelyadooda isla markaana ilaashada, waayeel iyo carruur, ciroole iyo wiilka beerta qodaya, ilmaha waxbaranaya, aabbaha saylada jooga ee wax dilaalaya, hooyada tamaandhada iibinaysa dhammaan nabadgelyada si siman ayay uga shaqeeyaan, haddii aanay taasi jirinna nabadgelyadu ma suuragasheen, dhab ahaantiina waan u mahadcelinaya bulshaweynta gobolka Awdal.

Xasiloonidaasina waata maanta magaaladoodii ku fiday, ku qurux badnaatay, ee ay ku ballaadhatay, ee dhulkoodii iyo ganacsigoodii maanta ku haggaagay, inta ay bulshadu qabsato ayaa ka badan inta dawladduhu qabtaan.”

Geesta kale waxa uu ka hadlay xaalada soo guurtada ee ku sugan gobolka Awdal, waxaanu xusay in ay si wanaagsan ula dhaqmeen.

Waxaanu yidhi. “Bulsho badan oo xoola dhaqato ah ayaa soo degay gobolka, mana aha markii u horraysay ee gobolka dad xoolahooda la soo naq raacay ay yimaadaan, dadka reer Awdal waa dad yaqaana martida iyo sooryaynta, iyo soo dhaweynta, iyo adduunyada in la isdabamaalo oo marna meeli abaar tahay marna barwaaqo tahay.

2017 ayay ahayd markii abaartii aadka u kulayl ee degaanada bariga Somaliland samaysay ay dhacday, bulshadii xoolo dhaqato reer guuragii degaanadaasi deganaana ay aaadka u soo guureen, aniga iyo guddoomiyihii wakhtigaas joogay waxa aanu u soo taagnayn dadkii oo xata guryahoodii uga baxay dadkaas walaalahood ah ee abaartu wadday, bulshada gobolka Awdal waa dad jecel in lala noolaado, waa dad jecel in ay wax soo dhaweeyaan, hadda gobollada galbeedka Somaliland waa barwaaqo oo ILLAAHEY ayaa Raxmaadkiisa ku shubay, sidoo kale gobolladii bariga ee abaartu haysay iyagana hadda ayuu ALLE Raxmaadkiisa u shubay marka inay dhawaan guuraan ayaa laga yaaba.”

Xoghaye Musfate oo wax laga waydiiyay muddo kordhintii golaha guurtidi sameeyay iyo siday u arkaan ama uga fal celiyeen Bulshada Awdal,ayaa yidhi.“Go’aankii ay golaha guurtidu qaateen siweyn ayaa looga soo dhaweeyay gobollada dalka, bulshada gobolka Awdala sidaasi si lamida ayay u soo dhaweysay, sababtoo ah noloshooda ayaa laga dareemaya, wajigooda ayaa laga dareemayaa, dadku istaag ayaad mooddaa inay yar galayeen hadalada kala duwan ee siyaasiyiinta ee iniba dhan ka qaylinayso hooyada iyo qofka maatada ah culays ayay dhab ahaantii ku haysay.

Guurtidu waa golihii nabadeynta iyo suluxa, isu soo dhaweynta, kala badbaadinta, marku dalku xaalad adag galana waa golaha go’aanada adag qaata, go’aankii ay qaateena waa lagu farxay, oo ganacsatadii ayaa ku faraxday, masaakiintii ayaa ku faraxday, dadweynihii ayaa ku farxay, warbaahinta waxa ka socday dadka sida weyn u soo dhaweynayay go’aanka golaha guurtidu qaateen ee ay ku sameeyeen muddo kordhinta”