Hargeysa iyo Caweyska Madasha Waddaniyada

Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa soo qaban qaabisay Kulanka Cawayska Waddaniyada kaasi oo ka qabsoomay Xarunta Barashada Waddaniyada .

Kulankani ayaa Waxa kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Mudaned Maxamed X.Adem Cilmi Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire Agaasimaha Guud ee Wasaaradda X. Goleyaasha iyo Arr. Dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Masuuliyiinta Kala duwan e Wasaarada iyo ardayda wax ka barata Xarunta Barashada Waddaniyada iyo Dastuurka.

Kulanka Cawayska Waddaniyada ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Agaasimaha ayaa halkaasi ka sheegtay ahmiyadda u kulankani daaran yahay

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurla Mudane Maxamed X.Adem Cilmi oo halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ku gubaabiyey dhalinta wax ka barta Xaruntani sidii ay uga midho dhalin lahaayeen aqoonta ay Xaruntani ka bartaan

Gebo-gebadii waxa Madashani ka Hadlay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka oo ahaaa Martida Kulanka Cawayska Waddaniyada ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad isugu jirta dhiirigelin iyo dardaaran waxaanu intaasi ku daray muhiimada ay leedahay Barashada Waddaniyadda.