Xildhibaanno kasoo horjeestay go’aanka  Golaha Wakiillada ee xeerarka Doorashooyinka

Hargeysa – (GNA)Xildhibaano tirradooda ku sheegay 46 xildhibaan, oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kasoo horjeestay, wax ka badalkii uu goluhu shalay ku sameeyay xeerka doorashooyinka.

Xildhibaannada ayaa sharci jabin ku tilmaamay wax ka badalka uu shalay goluhu ku sameeyay xeerarka doorashooyinka, iyo meel marinta soojeedintii guddida ganacsatada.

Xikdhibaan Mustafe Khayre oo ka mida xildhibaannada ka soo horjeestay go’aankii shalay ayaa sida warbaahinta la wadaagey.

Waxaanu yidhi.”Dhacdadaasi waxay ahayd qayru-sharci, waliba qayru-sharci lagu tilmaami kari maayee waxan raad-raac sharci lahayn”.

Waxa ay sheegeen in kooramka goluhu aanu buuxin markii shalay ansixintu dhacaysay, isla markaana ay 33 xildhibaan oo kali ahi fadhiyeen, sida si kasoo horjeeda, shirguddoonka ayaa sheegay in golaha ay fadhiyeen 52 xildhibaan.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in ay keeni doonaan mooshin kasoo horjeeda meel marintii shalay, iyaga oo ku hanjabay in xeerka wax ka badalka lagu sameeyay aanu gaadhi doonin golaha guurtida, oo ay cod ku hor istaagi doonaan.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Isniintii wax ka badal ku sameeyay xeerka doorashooyinka, isaga oo meel mariyay soojeedintii guddida ganacsatada ee ahayd in la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada.